Home Editor's Picks Caleema Saarka Hogaamiyaha Koonfurgalbeed Oo Ka Socota Baydhabo

Caleema Saarka Hogaamiyaha Koonfurgalbeed Oo Ka Socota Baydhabo

0

Baydhabo, Soomaaliya – Magaaladda Baydhabo ee caasimadda kumeelgaarka Koonfurgalbeed ayaa waxaa ka socdo munaasabad lagu caleema saarayo hogaamiyaha cusub ee maamulka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo 10 ka bishii hore ee June lagu doortay doorasho ka dhacday magaaladda Baydhabo.

Xaflada caleema saarka ee maanta ka dhaceysa Baydhabo ayaa waxaa goob joog ka ah masuuliyiinta ugu sareysa dowladda federaalka Soomaaliya oo ay k=ugu horeeyaan Madaxweynaha, Ra’iisulwasaaraha, Ku Simaha Gudoomiyaha Golaha Shacabka, madaxda maamulada Waqooyi Bari, Hirshabeele iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir xubno kamid ah golaha wasiirada Soomaaliya iyo xildhibaano katirsan labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa loo doortay hogaamiyaha maamulka Koonfurgalbeed kadib markii meesha laga saaray maamulkii 7 dii sano ee lasoo dhaafay ka arriminayay deegaanada Koonfurgalbeed 30 kii March, iyadoo wixii intaa ka dambeeyay ay socotay qaban qaabada doorasho qof iyo cod ah oo ay dowladda federaalka Soomaaliya dabada ka riixeyso, Koonfurgalbeedna kusime madaxweyne looga dhigay ra’iisulwasaare ku xigeenka labaad ee Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Aadan Madoobe oo ahaa gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa booqasho kuyimid magaaladda Baydhabo bilowgii bishii April si ay u dardargaliyaan dhismaha maamul cusub oo halkaas laga yagleelo.

Gudiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa 10 ka bishii May ka qabtay 13 degmo oo ka tirsan Koonfurgalbeed doorasho isku sidkan kana koobnayd Golaha Wakiilada Koonfurgalbeed iyo Golaha Deegaanka, golaha Wakiilada Koonfurgalbeed oo ka kooban 95 xubnood.

Golaha Wakiilada Koonfurgalbeed oo 4 ta bishii June doortay gudoonka baarlamaanka ayaa guda galay qabashada doorashada hogaamiyaha maamulka Koonfurgalbeed iyagoo ugu dambayn u doortay gudoomiyihii Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe hogaamiyaha Maamulka Koonfurgalbeed.

Doorashada ka dhacday Koonfurgalbeed ayaa bilow u’aheyd doorasho qof iyo cod ah oo dowladda federaalka Soomaaliya dooneyso inay ka hirgaliso Soomaaliya iyadoo durba ka howlgashay sidii ay u qaban laheyd doorashada maamulka Galmudug.

Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo afar sano soo ahaa gudoomiyaha Golaha Shacabka loona doortay hogaamiyaha maamulka Koonfurgalbeed Soomaaliya ayaa daadihin doona maamulkaan isagoo noqonaya masuulkii sadexaad ee soo mara tan iyo markii la’aas aasay.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version