Khartoum, Suudaan – Guddoomiyaha Golaha Madaxbannaanida Ku-meelgaarka ah ee Suudaan, Abdel Fattah Al Burhan, ayaa magaalada Khartoum kula kulmay ergeyga Midowga Afrika Mohamed Belaiche, si ay uga wada hadlaan xaaladda siyaasadeed iyo amni ee dalka.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dadaallada lagu gaarayo nabad waarta, caqabadaha hortaagan geeddi-socodka nabadda iyo qorshaha dib loogu furayo xafiiska xiriirka ee Midowga Afrika ee caasimadda Suudaan.
Belaiche ayaa sheegay in Midowga Afrika uu sii wadi doono wada-tashiyada uu la leeyahay hoggaanka Suudaan, isagoo tilmaamay in dib u furista xafiiska ay ka mid tahay tallaabooyinka lagu xoojinayo xiriirka labada dhinac.
Ergeyga Midowga Afrika ayaa sidoo kale ku celiyay taageerada ururka ee xabbad-joojin, xal siyaasadeed iyo wada-hadal qaran oo ay ka qeyb qaataan dhammaan dhinacyada Suudaan.
Midowga Afrika ayaa xiray xafiiskiisa Khartoum kadib markii dagaalka u dhexeeya ciidamada dowladda iyo RSF uu billowday sanadkii 2023, waxaana hadda socda diyaar garow lagu soo celinayo howlaha xafiiska.

