Friday, August 28, 2026

Erdogan Oo Doha Ka Dagay Si Uu Uga Qeybgalo Tacsida Amiirkii Hore Ee Qatar

Share

Doha, Qatar – Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa u ambabaxy dalka Qatar si uu uga qeyb galo tacsida amiirkii hore ee dalka Qatar boqor Hamad Bin Khalifa Al Thani oo Axada todobaadkaan ku geeryooday caasimadda Doha.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo ay wehliso marwadiisa Emine Erdogan ayaa kadagay gagida diyaaradaha  Hamad International Airport.

Erdogan iyo marwadiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Hamad kusoo dhaweeyay ku xigeenka ra’iisulwasaaraha Qatar iyo wasiiru dowlaha difaaca dalkaas.

Madaxweynaha Turkiga ayaa ka qeyb noqonaya madax iyo hogaamiyayaal kasocda caalamka kuwaas oo boqorka dalka Qatar Amir Tamim Bin Hamad u gudbinaya tacsida geerida aabihii boqor Hamad Bin Khalifa.

Amiirkii hore ee Qatar boqor Hamad ayaa ceynaanka boqornimo ee dalkaas soo hayay intii u dhexeesay sanadihii 1995 kii ilaa 2013 kii markaas oo uu wiilkiisa Tamim Bin Hamad ku wareejiyay taajka boqornimo ee Qatar.

Boqor Hamad Bin Khalifa ayaa ku geeryooday da’da 74 sano jirka.

Read more

Local News