Harare, Zimbabwe – Dowladda dalka Zimbabwe ayaa sheegtay in inkabadan 100,000 kun oo u dhashay dalkeeda dib uga soo celisay dalka ay dariska latahay ee Koonfur Afrika, halkaasoo ay kasocdaan xiisad looga soo horjeedo muhaajiriinta.
Wasiirka warfaafinta Zimbabwe Zhemu Soda ayaa sheegay in 99, 418 oo Zimbabwean ah ay kazoo noqdeen dalka Koonfur Afrika tan iyo 28 ka bishii May, iyadoo 70% dadka soo noqday ay yihiin haween, iyo caruur.
Wasiirka warfaafinta Zimbabwe ayaa xusay in xogta dadka kusoo laabtay dalka lagu saleeyay warbixin dib u celin iyo dib u midoobid ah oo ay heleen golaha wasiirada Talaadadii todobaadkan.
Zhemu Soda wasiirka warfaafinta Zimbabwe ayaa sidoo kale sheegay in Zimbabwe ka caawinayso dadka kasoo jeeda dalalka Malawi iyo Zambia ee ka gudbaya Zimbabwe ayna xoojisay howlgallada xuduudaha si loo maareeyo dadka soo gurya noqonaya.
Wasiirka warfaafinta ayaa intaas ku daray in marwada madaxweynaha Zimbabwe Auxilia Mnangagwa ay ka caawisay dadka ka soo laabtay Koonfur Afrika cunto iyo dhar, taasoo kaabeysa tallaabooyinka lagu daboolayo baahida sii kordheysa ee ka dhalatay dadka soo galaya.
Zhemu Soda ayaa sidoo kale sheegay in Shaqaalaha daryeelka caafimaadku daweeyeen dhowr bukaan, baareen 870 carruur ah oo nafaqo darro qaba, si lamid ahna aqoonsadeen oo daaweeyeen 15 kiis oo shuban ah.

