Washington, Mareykanka – Taliyeyaasha ciidamada Mareykanka, Japan iyo Koonfur Kuuriya ayaa dib u xaqiijiyay muhiimadda iskaashigooda dhanka amniga si looga hortago hanjabaadaha Nukliyeerka iyo gantaallada Waqooyiga Kuuriya.
Kulanka saddex geesoodka ah ee Taliyeyaasha Difaaca (Tri-Chod) ayaa ka dhacay xarunta Pentagon-ka ee Washington, iyadoo ay ka qeyb galeen saraakiisha ugu sarreysa ciidamada saddexda dal.
Saddexda dhinac ayaa isku raacay inay sii wadaan dadaallada lagu doonayo in Waqooyiga Kuuriya looga dhaadhiciyo inay ka tanaasusho hubkeeda Nukliyeerka, iyadoo la raacayo qaraarrada Qaramada Midoobay.
Waxay sidoo kale ballanqaadeen inay sii xoojin doonaan iskaashiga milatari iyo dhoolatusyada wadajirka ah si loo ilaaliyo amniga gobolka Hindiya iyo Baasifigga.
Japan ayaa martigelin doonta kulanka xiga ee saddexda dal, iyadoo Waqooyiga Kuuriya ay weli ku adkeysanayso in barnaamijkeeda Nukliyeerka aan laga noqon karin.

