Islamabad, Pakistan – Pakistan ayaa Mareykanka iyo Iran ugu baaqday joojinta weerarrada milatari ee aargoosiga ah iyo rabshadaha, dibna u bilaabaan wadahadallo heer farsamo ah oo qayb ka ah heshiiska is afgaradka ee Islamabad.
Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Pakistan Tahir Andrabi ayaa sheegay in iyadoo colaada labada ay sii socoto labadii todobaad ee u dambeeyay ay Pakistan ku celinayso baaqeeda ku socda dhammaan dhinacyada, inay sameeyaan isxakameyn kana fogaadaan wax kasta oo sii wiiqaya nabadda iyo xasilloonida.
Baaqa ka soo baxay Pakistan oo ah wadanka dhexdhexaadinaya labadan dal tan iyo markii uu bilaabmay dagaalkooda 28 kii February ayaa ku soo aadaya iyadoo Mareykanka iyo Iran ay sii wadaan inay inay is weydaarsadaan gantaallo xilli ay sii kordheyso xiisadaha ka taagan Marinka Hormuz.
Madaxweynayaasha dalalka Mareykanka iyo Iran ayaa saxiixay bishii tagtay ee June heshiis is afgarad oo ay ku joojinayaan dagaalka kaas oo siiyay labada dhinac 60 maalmood inay wadahadallo ku yeeshaan heshiis kama dambeys ah si si rasmi ah loogu soo afjaro dagaalka.
Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Pakistan ayaa xusay in heshiiskii Islamabad uu weli yahay qaab dhismeed waara oo lagu horumarinayo nabadda, ixtiraamka labada dhinac iyo barwaaqada la wadaago.
Kadib markii labada hogaameye ee Mareykanka iyo Iran Donald Trump iyo Masoud Pezeshkian saxiixeen heshiiskii kumeelgaarka ahaa kooxaha wadaxaajoodka Mareykanka iyo Iran ayaa wadahadallo ku yeeshay Switzerland, kaas oo ay dhexdhexaadinayeen Pakistan iyo Qatar.
Iran ayaa ku adkeysanaysa in wali Marinka Hormuz uu gacanteeda ku jiro isla markaana uu xiran yahay, Mareykanka ayaa dib u soo celiyay xayiraadii saarneyd dakadaha Iran.

