Johannesburg, Koonfur Afrika – Laba askari oo ka tirsan ciidamada Koonfur Afrika ayaa ku dhintay kadib markii ay ku dhaceen god macdan ah xilli ay ku jireen howlgal lagu beegsanayo macdan qodayaasha sharci darrada ah.
Dhacdadan ayaa ka dhacday goob macdan laga tagay oo ku taalla galbeedka Johannesburg, halkaas oo ciidamada ay ku raad joogeen kooxaha loo yaqaan “zama zamas”.
Ciidamada Koonfur Afrika ayaa sheegay in dadaallo lagu xaqiijinayo aqoonsiga askarta iyo ogeysiinta qoysaskooda ay socdaan.
Mas’uuliyiinta dalka ayaa tacsi u diray ciidamada, iyagoo ku tilmaamay geerida askarta khasaaro weyn oo ku yimid howlaha amniga.
Macdan qodayaasha sharci darrada ah ayaa muddo dheer dhibaato amni ku hayay Koonfur Afrika, iyadoo lagu eedeeyo inay ku lug leeyihiin dambiyo abaabulan iyo dhaqdhaqaaqyo sharci darro ah.

