Thursday, August 27, 2026

Bangladesh Iyo Mareykanka Oo Billaabay Dhoollatus Militari Oo Wadajir Ah

Share

Sylhet, Bangladesh – Bangladesh iyo Mareykanka ayaa si rasmi ah u billaabay dhoollatus militari oo wadajir ah oo soconaya 13 maalmood, kaas oo lagu xoojinayo iskaashiga difaaca iyo xiriirka istiraatiijiyadeed ee labada dal.

Dhoollatuska oo loogu magac daray “Tiger Lightning 2026” ayaa ka socda magaalada Sylhet, waxaana ka qeyb galaya ciidamada Bangladesh iyo cutubyo ka tirsan Taliska Ciidamada Mareykanka ee gobolka Hindiya iyo Baasifigga.

Saraakiisha labada dal ayaa sheegay in tababarkan uu kor u qaadi doono wada shaqeynta ciidamada, isdhaafsiga khibradaha iyo diyaar garowga howlgalada wadajirka ah.

Danjiraha Mareykanka ee Bangladesh ayaa sheegay in dhoollatusku uu muujinayo saaxiibtinimada iyo iskaashiga sii xoogeysanaya ee u dhexeeya labada dal.

Dhoollatuskan ayaa qayb ka ah qorshaha Mareykanka ee lagu xoojinayo amniga iyo iskaashiga gobolka Hindiya iyo Baasifigga.

Read more

Local News