Home Editor's Picks Maraakiibta Dagaalka Turkiga Oo Howlgalo Ka Wada Xeebaha Soomaaliya

Maraakiibta Dagaalka Turkiga Oo Howlgalo Ka Wada Xeebaha Soomaaliya

0

SOOMAALIYA – Maraakiibta ciidamadda badda Turkiga ayaa sii wada inay ilaaliyaan markab kuwa shidaalka qoda ah oo ka howlgala Soomaaliya, sida ay sheegtay Wasaaradda Difaaca Turkiga.

Wasaaradda Difaaca Turkiga ayaa ku warantay in TCG Goksu, TCG Gelibolu iyo TCG Bartin oo kamid ah maraakiibta howlgalka ka wada Soomaaliya la geeyay ayna ilaalinayaan amnigiisana sugayaan markabka shidaalka qoda lagana leeyahay Turkiga ee Cagri Bey.

Maraakiibtan Sadexda ah ayaa sidoo kale ilaalinaya saddex Markab oo caawinaya markabka Cagri Bey kuwaas oo lagu magacaabo Korkut, Altan iyo Sancar kuwaas oo ka taageeraya howlaha qodista shidaalka.

Wasaaradda ayaa sidoo kale tibaaxday in howlgalka ilaalinta ah uu wali socdo.

Turkiga ayaa Soomaaliya ka wada qodista iyo soo saarista shidaalka ceegaaga iyadoo markabka Cagri Bey uu caasimadda Muqdisho soo gaaray 09 ka April ee sanadkaan iyadoo munaasabad soo dhaweyn ah loogu sameeyay dakada Muqdisho, wixii intaa ka adambeeyayna guda galay shaqada qodista shidaalka.

October sanadkii 2024 ka Markab kale oo Turki ah oo lagu magacaabo Uruc Raise ayaa Soomaaliya ka sameeyay sahmin 3D gudaha badda saddex xirmo oo kala duwan kuwaas oo gaaraya cabir dhan 4,464 km2  markabkaan ayaa gudaha Soomaaliya kusugnaa 234 maalmood isagoo sameenayay sahmin iyo xog aruurin dhameystiran oo fure u noqonaya howlaha shidaal qodista Soomaaliya.

Markabka Cagri Bey ayaa ku howlan soo saarista shidaalka badda gudeheed ah meel 370 km2 u jirta magaaladda Muqdisho, ceelka ugu horeeya ee laga soo saarayo shidaalka ayaa hoos loo qodi doonaa 3,500 m, qodis qorsheysan oo gaareysa 4,000 m, ceelka ugu horeeya ee laga soo saaro shidaalka ayaa loo bixiyay “Curad” oo ka turjumaya kan ugu horeeya ee guud ahaan Soomaaliya ee laga soo saaro shidaalka.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version