Washington, US – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Isniinta ay bilaaban doonaan wadahadallo cusub oo lala yeelanayo Iran, kadib markii uu hakiyay weerarro ballaaran oo uu sheegay in lagu qaadi lahaa dalkaasi. Wuxuu xusay in Iran iyo xulafada Mareykanka ee Bariga Dhexe ay codsadeen in la siiyo fursad diblomaasiyadeed.
Trump ayaa sheegay in wadahadallada ay diiradda saari doonaan xiisadda ka taagan marin-biyoodka Hormuz iyo arrimaha la xiriira barnaamijka nukliyeerka Iran. Wuxuu intaas ku daray in Sacuudiga, Imaaraadka Carabta iyo Qatar ay ku boorriyeen in weerarrada dib loo dhigo si loo siiyo fursad heshiis.
Dhanka kale, warbaahinta Iran ayaa beenisay hadalka Trump ee ahaa in Tehran ay codsatay in la hakiyo weerarrada, iyadoo ku tilmaantay hadalkaas mid aan sal iyo raad lahayn. Si kastaba ha ahaatee, Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran ayaa sheegay in wadahadallada uu dalkaasi la leeyahay Cumaan ee ku saabsan marin-biyoodka Hormuz ay marayaan heer gabagabo ah.
Kadib ku dhawaaqista Trump ee wadahadallada, qiimaha shidaalka caalamka ayaa hoos u dhacay, iyadoo suuqyadu ay rajo ka muujiyeen in xal diblomaasiyadeed laga gaaro xiisadda gobolka. Xiisadda ayaa saameyn ku yeelatay isu socodka maraakiibta ee marin-biyoodka Hormuz, oo ay maraan qayb weyn oo shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee dunida.
Trump ayaa sheegay in weerarradii la qorsheeyay ay noqon lahaayeen kuwii ugu xoogga badnaa tan iyo Dagaalkii Labaad ee Adduunka, balse uu doorbiday inuu fursad siiyo wadahadalka. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in Mareykanku diyaar u yahay tallaabo kasta haddii wadaxaajoodyadu guuldareystaan.
