Gaalkacyo – Dagaal geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira oo subaxnimadii saaka dhexmaray ciidamadda maamulka Puntland iyo kuwa ka amar qaata dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka adhacay magaala madaxda Gobolka Mudug ee Gaalkacyo.
Dagaalkan oo socday saacado kooban ayaa dhaliyay khasaara isugu jira dhimasho iyo dhaawac iyadoo sidoo kale ciidanka Puntland u suurta gashay inay lawareegaan xarunta ay ku sugnaayeen ciidamadda PSF ee daacadda u’ah dowladda federaalka.
Dagaalka ayaa kadhacay xero ay daganyihiin ciidanka PSF oo kusugan jihada Bari ee magaaladda Gaalkacyo, ciidamadda maamulka Puntland ayaa gudaha u galay xarunta ay ku sugnaayeen ciidamadda PSF waxaana la arkayay muuqaaladda ciidamo kusugan gudaha xarunta iyo sidoo kale shacab gudaha ugalay gacantana ku dhigay agabyadii halkaas yaalay ee ay kamidka ahaayeen hub iyo rasaas farabadan.
Dhankiisa madaxweynaha Maamulka Puntland oo shir jaraa’id qabtay ayaa dowladda federaalka ku eedeeyay dagaalka Gaalkacyo, isagoo sidoo kale ciidamadda dowladda ee kusugan Puntland ugu baaqay in muddo 48 saacadood ah isu soo dhiibaan Puntland.
Dhanka kale saraakiishii hogaamineysay ciidamadda PSF ee dagaalka lagalay maamulka Puntland ayaa gaaray dhinaca Koonfureed ee magaaladda Gaalkacyo oo uu ka arrimiyo maamulka Galmudug iyadoo warar soo baxayo muujinayaan in lagu xareeyay xero ciidan oo leeyihiin ciidanka Danab.
Magaaladda Gaalkacyo ayaa maalmihii tagay laga dareemayay saansaanta xiisadda u dhexeysa ciidamadda dowladda federaalka taabacsan iyo maamulka Puntland.
Maalinimadii shalay saanad ciidan oo u badan hub iyo rasaas ayey lawareegeen ciidamo kasoo jeeda Koonfurta magaaladda Gaalkacyo kaas oo ladoonayay in loo gudbiyo Waqooyiga magaaladda waxaana jiray is rasaaseyn dhex martay ciidamadda hubka qabsaday iyo kuwii waday.
Golaha Mustaqbalka iyo madaxweynaha maamulka Jubaland ayaa cambaareeyay dagaalka magaaladda Gaalkacyo iyagoo eedyn dusha uga tuuray xukuumadda Madaxweyne Xasan Sheekh oo ay ku sheegeen in iyadu kadambeyso dagaalka magaaladda Gaalkacyo.

