Jeddah, Saudi Arabia – Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa u amba baxay magaaladda Jeddah ee dalka Sucuudiga halkaas oo uu booqasho hal maalin ah ku bixi doono.
Erdogan ayaa lakulmi doona dhaxal sugaha Sucuudiga Mohamed Bin Salman iyo ra’iisul wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif, iyadoo lafilayo in halkaas ku yeeshaan kulan saddex geesood ah dalalka Sucuudiga, Turkiga iyo Pakistan. Iyadoo ay xusid mudantahay in ra’iisulwasaaraha Pakistan safarka uu Khamiistii shalay ku gaaray Sucuudiga uu ku wehlinayay taliyaha milatariga Pakistan Field Marshal Asim Munir.
Booqashada madaxweynaha Turkiga ee Sucuudiga ayaa noqonaysa tiisii labaad ee uu ku tago Sucuudiga tan iyo bishii labaad ee sanadkan, iyo safarkiisii ugu horeeyay tan iyo markii uu bilowday dagaalka Mareykanka, Israel iyo Iran bishii February.
Agaasimaha isgaarsiinta madaxtooyada Turkiga ayaa sheegay in safarka Erdogan uu daaran yahay sidii ay labada Sucuudiga iyo Turkiga uga wadahadli lahaayeen xariirkooda laba geesoodka ah iyo horumarka gobolka, hase yeeshee ma bixin faahfaahin rasmi ah oo ku aadan ajandaha rasmiga ah ee labada dhinac kawada hadlayaan.
Warbaahinada gobolka ayaa ku warramaya in wadahadaladan xudun u yihiin amniga badaha, natiijada dagaaladda Mareykanka, Iran iyo Israel iyo iskaashi difaac oo dhexmara sadexdan dal ee Sucuudiga, Turkiga iyo Pakistan.
Geesta Kale Sucuudiga ayaa la tacaalayay xiisad colaadeed oo xooggan kagana imaaneysay Xuutiyiinta Yemen kuwaas oo islabada dhinacba is weydaarsanayeen weeraro ka dhan ah midba midka kale todobaadyadii lasoo dhaafay, halka Xuutiyiintu bartilmaameedsanayeen Maraakiibta Sucuudiga ee kusugan Badda Cas.

