Muqdisho, Soomaaliya – Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa lafilayaa in maalink abarrito ah yeeshaan kalfadhi ay ku dooranayaan gudoomiyaha cusub ee golaha oo banaanaa tan iyo bishii June kadib markii gudoomiyihii Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxmed Nuur Madoobe loo doortay hogaamiyaha Maamulka Koonfurgalbeed.
Doorashada kursiga gudoomiyaha ee lafilayo in barrito ay qabsoonto ayaa waxaa ku tartamaya wasiirka Dakadaha iyo Gaadiidka Badda Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac iyo Xildhibaan Cabduqaadir Cumar Macallin Daada.
Gudoomiyaha ku meel gaarka ah ee golaha Sacdiya Yaasiin Samatar ayaa maanta booqasho ku tagtay goobta loo diyaariyey in maalinta berri ah lagu qabto doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka.
Geesta kale xildhibaanada lamagac baxay Baarlamaanka Xorta ah iyo Golaha Mustaqabalka oo ay ku mideysanyihiin maamulada Puntland iyo Jubaland iyo badi siyaasiyiinta kasoo horjeeda xukunka madaxweyne Xasan Sheekh ayaa qaadacay doorashada barri lafilayo in baarlamaanku qabto, iyagoo ku tilmaamay mid aan sharci aheyn.
Dhanka kale murashax Saalax Shariif Siidkey ayaa Khamiista todobaadkii hore sheegay in loo diiday in gudigu diiwaangaliyo isagoo shubay lacagtii diiwaangalinta.
Kalfadhiga 8 aad ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa furmay Sabtida todobaadkii hore iyadoo durba laguda galay qabashada doorashada kursiga banaan ee gudoomiyaha Golaha Shacabka.

