Home DIBADDA Ilhan Cumar oo Ku Guuleysatay Doorashada Hordhaca Ah ee Dimuqraadiga

Ilhan Cumar oo Ku Guuleysatay Doorashada Hordhaca Ah ee Dimuqraadiga

0

Washington, US – Xildhibaan Ilhan Cumar ayaa ku guuleysatay doorashada hordhaca ah ee xisbiga Dimuqraadiga ee degmada 5-aad ee Congress-ka gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

Ilhaan Cumar, oo ah xildhibaan xilka haya markii afraad, ayaa heshay in ka badan 80% codadka, iyadoo ka adkaatay dhowr musharrax oo kula tartamay doorashada hordhaca ah.

Natiijooyinka aan weli kama dambaysta ahayn ayaa muujiyay in Ilhaan ay heshay 122,640 cod, halka Julie Trang Le ay heshay 10,201 cod, Latonya T. Reeves-na ay heshay 9,131 cod.

Musharraxiintii kale ee Dimuqraadiga ee tartanka kula jiray Ilhaan waxaa ka mid ahaa Abena McKenzie iyo Nate Schluter.

Dhanka xisbiga Jamhuuriga, John Nagel ayaa ku guuleystay doorashada hordhaca ah, waxaana labada dhinac ay u gudbi doonaan tartanka doorashada guud ee kursiga.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version