Ankara, Turkey – Wasiirka arrimaha dibadda dalka Turkiga Hakan Fidan ayaa booqasho laba maalmood ah oo ka bilaabaneysa maalinka barrito ah lagu wadaa inuu ku tago dalka Masar.
Hakan Fidan ayaa la filayaa inuu la kulmo madaxweynaha Masar Abdel Fattah Al Sisi, sidoo kalana uu kulamo la yeesho masuuliyiinta sare ee dalka Masar.
Inta uu socdo kulanka wasiirka arrimaha dibadda Turkiga ayaa kala hadli doona masuuliyiinta Masar xiriirka laba geesoodka ah, dib u eegis lagu sameeyo xaaladda hadda ee heshiisyada wadahadalka ku jira, taasoo dhiirigelin doontaa maalgashiyada labada dhinac iyadoo la raacayo yoolka guud ee ah in mugga ganacsiga labada dhinac la kordhiyo ilaa $15 bilyan.
Kulankaan ayaa hoosta ka xariiqi doonaa go’aanka ah in la sii wado dadaallada wadajirka ah ee labada dhinac iyo kuwa dhinacyo badan leh sida hindisaha R4, kaas oo isu keenaya wasiirada arrimaha dibadda dalalkaTürkiga, Masar, Pakistan iyo Sacuudi Carabiya.
Booqashada wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan uu ku tagayo Masar ayaa imaaneysa todobaad kadib markii madaxweynaha Turkiga, ra’iisul wasaaraha Pakistan iyo dhaxal sugaha-ra’iisul wasaaraha Sacuudigu magaaladda Makka ku saxiixeen heshiis difaac oo lagu magacaabo “Mecca Joint Defense Agreement”.
