Home DIBADDA Putin Oo Booqday Jasiirad Ay Isku Haystaan Ruushka Iyo Japan

Putin Oo Booqday Jasiirad Ay Isku Haystaan Ruushka Iyo Japan

0

Tokyo, Japan – Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa booqday jasiiradda Iturup, oo ka tirsan silsiladda Kuril Islands, taas oo Japan ay sheegato inay ka tirsan tahay dhulkeeda.

Putin ayaa booqashadiisa ku tegay xarun kalluunka lagu farsameeyo, halkaas oo uu kula kulmay shaqaalaha iyo dadka deegaanka, isagoo sidoo kale eegay wax soo saarka kalluunka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Japan ayaa si rasmi ah uga hortimid booqashada, iyadoo sheegtay in jasiiradaha loo yaqaan Northern Territories ay yihiin dhul Japan leedahay.

Booqashada Putin ayaa timid maalin kadib markii Ruushku uu dhoolatusyo ciidan oo waaweyn ka sameeyay bariga fog ee dalka.

Waxay sidoo kale ku soo beegantay kadib markii xulafada Ruushka ee Kuuriyada Waqooyi ay tijaabisay gantaal ballistic ah, taasoo sii kordhisay xiisadaha amni ee gobolka.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version