Moscow, Russia – Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay in Ruushka iyo Kuuriyada Waqooyi ay si wadajir ah uga shaqeynayaan xoojinta amniga iyo xasilloonida Bariga Aasiya.
Putin ayaa hadalkan ku sheegay farriin uu u diray hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un, isagoo ugu hambalyeeyay munaasabadda maalinta xorriyadda Kuuriya oo sanadkan ku beegan sannad-guuradii 81-aad.
Madaxweynaha Ruushka ayaa sheegay in xiriirka Moscow iyo Pyongyang uu gaaray heer cusub oo iskaashi istiraatiiji ah, iyadoo labada dal ay iska kaashadaan arrimo siyaasadeed, militari iyo dhaqaale.
Labada dal ayaa si weyn u ballaariyay xiriirkooda labadii sano ee lasoo dhaafay, gaar ahaan kadib markii ay Juun 2024 saxiixeen heshiis iskaashi istiraatiiji ah oo ballaaran.
Putin ayaa sidoo kale sheegay inuu rajeynayo in labada dal ay sii wadi doonaan iskaashiga arrimaha labada dhinac iyo kuwa caalamiga ah.
