Wariye Bashiir Maxamed Oo Ka Mid Ahaa Howl Wadeenada Arlaadi Oo Baydhabo Ku Geeryooday

    0

    Baydhabo, Soomaaliya – Wariye Bashiir Maxamed Cabdullaahi Oo Katirsanaa howlwadeenada Warbaahinta Arlaadi ayaa ku geeryooday magaaladda Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfurgalbeed aroornimadii hore ee saaka.

    Geerida wariyaha ayaa timid kadib dhaawac daran oo ka soo gaaray weerarkii ka dhacay magaaladda Baydhabo Khamiista todobaadkii hore kaasoo dhex maray xoogaga taabacsan madaxweynihii hore ee maamulka Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo ciidamadda dowladda iyo kuwa maamulka oo isgarabsanaya, dagaal qaatay dhowr saacadood kaasoo dhexmaray labada dhinac.

    Wariyaha ayaa sida ay tibaaxayaan goob joogayaal ka agdhawaa goorta uu dhaawacmayay sheegeen in si bareer ah xabado loogu furay kuwaas oo sababay dhaawaca uu u dhintay Isniinta maanta ah.

    Wariye Bashiir Maxamed ayaa kadib dhaawaciisa la dhigay isbitaalka Baay Regional Hospital halkaasoo lagula tacaalayay xaaladiisa caafimaad oo aheyd mid aad u culus.

    Dhaawaca wariyaha oo ahaa mid culus ayaa laqorsheeyay in loo soo qaado magaaladda Muqdisho subaxnimada saaka ah si uu u helo daryeel caafimaad hase yeeshee qadarka rabi ee u qornaa oo geeridiisa ayaa kasoo hormartay.

    Maamulka iyo shaqaalaha warbaahinta Arlaadi oo uu ka howlgalayay ayaa qoyskiisa qaraabadiisa iyo bahda warbaahinta ee uu k baxay la qeybsatay tacsida wariyaha.

    Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Koonfurgalbeed Nuur Siidow Baaba ayaa sidoo kale dhambaalka tacsida ah la wadaagay ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxay isagoo intaas ku daray inay dishay gacan ka xaqdaran uuna cadaalad ku heli doono maalinka Aakhiro.

    Wariye Bashiir Maxamed Cabdullaahi ayaa dhanka kale kamid ahaa ardaydii sanadkaan u fadhiistay imtixaanka qaran ee fasalka 12 aad ee dugsiga sare ee dalka ee ay qaado Wasaaradda Waxbarashada.

    Magaaladda Baydhabo ee uu ku geeryooday ayaana maanta loogu sameeyay aas; halkaasoo ehelkiisa iyo bahda warbaahintuba kaga qeybgaleen kana direen fariimaha tacsidiisa.

    *INAALILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN*

    NO COMMENTS

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here

    Exit mobile version