Daka, Bangladesh – Ra’iisul wasaarihii hore ee Bangladesh, Sheikh Hasina Wazed, ayaa lumisay fursaddii ay ku racfaan qaadan lahayd xukunkii dilka ahaa ee lagu riday, kaddib markii uu dhammaaday muddadii 30-ka maalmood ahayd ee loo qabtay gudbinta racfaanka, sida uu sheegay xeer-ilaaliyaha guud ee dacwadda.
Xeer-ilaaliye Md Aminul Islam ayaa wariyeyaasha u sheegay in dadka lagu xukumay dilka, oo ay ku jirto Sheikh Hasina, ee aan racfaan ka qaadan xukunkooda muddo 30 maalmood gudahood ah laga bilaabo maalintii xukunka lagu dhawaaqay, aysan mar dambe haysan doonin fursad ay ku gudbiyaan racfaanka.
Bishii November ee sanadkii hore, Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ee magaalada Dhaka ayaa Sheikh Hasina ku xukuntay dil, kaddib markii lagu helay dambiyo ka dhan ah aadanaha iyo door ay ku lahayd howlgalladii adkaa ee ay ciidamada ammaanka iyo taageerayaasha xisbigeeda Awami League ku qaadeen dibadbaxayaashii ka qaybgalay kacdoonkii 2024-kii, kaas oo ugu dambayn horseeday in xukuumaddeedii talada laga tuuro.
Sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, ugu yaraan 1,400 qof ayaa lagu dilay, halka kumannaan kalena ay ku dhaawacmeen rabshadihii iyo howlgalladii ka dhashay kacdoonkaas.
Xeer ilaaliyaha Maxkamadda ayaa sheegay in hadda wax kaliya ee haray ay tahay fulinta xukunka
Si kastaba ha ahaatee, wuxuu sheegay in dowladda ay awood buuxda u leedahay inay hakiso ama baabi’iso ciqaabta, taas oo ka dhigan in dhammaadka muddada racfaanku uusan si toos ah uga dhignayn in xukunka dilka isla markiiba la fulin doono.
Sheikh Hasina ayaa hadda ku nool dalka deriska la ah ee Hindiya, halkaas oo ay u baxsatay kaddib markii xukuumaddeedii xukunka laga tuuray. Waxay horey u sheegtay inay qorsheynayso inay Bangladesh ku laabatneyso bisha December.
Haddii ay ku laabato dalka, waxaa weli taagan su’aalo ku saabsan sida xukunka dilka ah loo fulin doono iyo tallaabada ay dowladda Bangladesh ka qaadi doonto kiiskeeda.
