Wednesday, October 21, 2026

Madaxweynaha Soomaaliya Oo Gaaray New York Oo Uu Ka Furmay Shirka Golaha Guud Ee Qaramada Midoobey

Share

New York, US — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi heer sare ah uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada New York, halkaas oo ay kaga qaybgalayaan kalfadhiga 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu ka qaybqaato kulamo heer sare ah iyo wadahadallo uu la yeelanayo madaxda dalalka caalamka ee ka qaybgalaya shirka sanadlaha ah ee Qaramada Midoobay.

Wafdiga Soomaaliya ayaa kalfadhiga Golaha Guud uga faa’iidaysan doona sidii ay ula macaamilaan saaxiibbada caalamiga ah, iyagoo ka wada hadlaya arrimo ay ka mid yihiin nabadda iyo amniga, horumarinta, arrimaha bini’aadantinimada iyo mudnaanta qaranka Soomaaliya.

Booqashadan ayaa sidoo kale fursad u siinaysa dowladda Soomaaliya inay kulamo laba geesood ah la yeelato madaxda dalalka shisheeye iyo mas’uuliyiinta sare ee hay’adaha caalamiga ah, si looga wada hadlo arrimo dan guud ah.

Kalfadhiga 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa isu keena wakiillada dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay, kuwaas oo ka wada hadla caqabadaha waaweyn ee caalamka iyo kuwa gobolka, iyo sidoo kale iskaashiga u dhexeeya dalalka.

Read more

Local News