Muqdisho, Soomaaliya – Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa Wasaaradda Gaashaandhigga ku qaabilay saraakiil sare oo ka tirsan ciidanka Cirka Pakistan oo uu hogaaminayo taliyaha ciidanka cirka ahna taliye ku xigeenka ciidanka Cirka Pakistan Air Marshal Mohamed Sarfaz.
Kulanka, oo uu qeyb ka ahaa Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, S/Guuto Cabdirisaaq Maxamuud Xaaji, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga difaaca ee Soomaaliya iyo Pakistan, gaar ahaan dib-u-dhiska iyo tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, tababarka iyo kor u qaadista xirfadaha saraakiisha.
Saraakiishan sare ee ka socda ciidanka ciirka Pakistan oo Sabtida todobaadkan soo gaaray caasimadda Muqdisho ayaa waxaa soo dhaweeyay taliyaha ciidanka Cirka Soomaaliya Cabdirisaaq Maxamuud Xaaji (Cabdirisaaq Eritrea).
Booqashada taliyaha ciidanka Cirka Pakistan iyo saraakiisha la socota ayaa daaran sidii loo tayeyn lahaa awoodda ciidanka Cirka Soomaaliya iyadoo Soomaaliya Pakistan kula jirto wadahadalo ay ku soo iibsaneyso diyaaradaha dagaalka JF – 17 Thunder ee ay sida wadajirka ah u hormariyaan Shirkadda Diyaaradaha Chengdu ee Shiinaha iyo Xarunta Duulista Hawada Pakistan.
Saraakiisha Ciidanka Cirka Pakistan ayaa kulamo kala duwan la yeeshay madaxda dowladda federaalka Soomaaliya sidoo kalana la kulmay madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud kulan ay goob joog ka ahaayeen taliyaha Ciidanka Cirka, Taliyaha Ciidanka Milatariga, iyo Wasiirka Gaashaadhigga Soomaaliya iyagoo la yeeshay wadahadallo diiradda lagu saaray horumarinta Ciidanka Cirka Soomaaliya iyo iskaashiga ballaaran ee dhanka difaaca.
Saraakiisha Ciidanka Cirka Pakistan ayaa sidoo kale la kulmay ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ra’iisul wasaaraha iyo saraakiisha Pakistan ayaa kawadahadlay xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Pakistan ee dhinaca difaaca, gaar ahaan horumarinta iyo dhismaha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, kobcinta awooddiisa, iyo horumarinta tababarka iyo tayada ciidanka, si loo dardargeliyo dadaallada lagu dhisayo awood difaac oo cirka ah.
Booqashada wafdiga ayaa daba socota booqashadii Wasiirka Gaashaandhigga uu 4-tii August 2026 ku tagay dalka Pakistan, xilligaas oo Soomaaliya iyo Pakistan kala saxiixdeen Heshiis Is-afgarad (MoU) ku saabsan iskaashiga difaaca iyo amniga.
Heshiisk ayaa dejinaya qaab-dhismeedka iskaashiga dhinacyada la-dagaallanka argagixisada, tababarka ciidanka, is-weydaarsiga khibradda milateri, horumarinta awoodda difaaca iyo iskaashi amni oo ballaaran.
Soomaaliya iyo Pakistan ayaa xoojiyay xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal iyadoo Islamabad ay kusugan yahayihiin Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga Qaranka iyo masuuliyiin uu hor kacayo.
Booqashada wafdiga Pakistan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay Soomaaliya raadinayso taageero caalami ah si ay dib ugu dhisto ciidankeeda cirka, isla markaana u horumariso awooddeeda ilaalinta hawada iyo difaaca cirka.

