Nairobi, Kenya — Dowladda Kenya ayaa xaqiijisay dhimashada kiiskii ugu horeeyay ee cudurka Ebola kadib markii caasimadda Nairobi uu ku geeryooday muwaadin Kenyan ah oo ka yimid dalka Congo oo uu cudurku horay uga dilaacay.
Muwaadinka u dhintay caabuqa Ebola ayaa ku noolaa gudaha dalka Congo muddo 7 sano ah isagoo la il darnaa xanuunka Ebola muddo bil ah ka hor intaanu safar dhulka ah ku soo galin caasimadda Uganda ee Kampala halkaas oo uu diyaarad kaga soo safray oo kaga soo dagay caasimadda Nairobi ee dalka Kenya Sabtidii todobaadkan sida uu shir jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay wasiirka Caafimaadka Kenya Aadan Barre Ducaale.
Muwaadinka qabay xanuunka Ebola ayaa marka uu ka soo dagay gagida diyaaradaha caalamiga ah ee Kenya geeryooday inta lagu guda jiray baaritaanka caafimaadka ee la marsiinayay iyadoo intaas kadib loo qaaday isbitaal la dhigo dadka laga helo xanuunka Ebola sida uu sheegay Aadan Barre oo ah wasiirka caafimaadka Kenya.
Agaasimaha Guud ee Caafimaadka Kenya Patrick Amoth ayaa sheegay in bukaanku laga yaabee inuu ku geeryooday intii uu kuguda jiray baaritaanka caafimaad ee garoonka iyadoo daawadu qarisay astaamihiisa.
Ducaale oo hadalka sii wata ayaa sheegay in meydka muwaadinkan Kenyan ka ah la aasi doono Talaadada maanta ah iyadoo ay aasi doonaan dad u diyaarsan aaska si ay uga hortagaan faafitaanka cudurka.
Agaasimaha guud ee hay’adda caafimaadka adduunka Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa bartiis atwitter ka ee X ku sheegay in hay’adu garab taagan tahay dowladaha Kenya iyo Uganda waxaana lagu taliyay in laga hortago xayiraadaha safarka ee saaran dalalka uu saameeyay cudurka faafa.
