Home Federaalka Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka Oo Ka Qayb Gashay Munaasabadda Abaalmarinta Tayada...

Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka Oo Ka Qayb Gashay Munaasabadda Abaalmarinta Tayada Qaranka

0

Arusha, Tanzania – Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa ka qaybgashay munaasabadda Abaalmarinta Tayada Qaranka 2026, iyadoo ku guuleysatay Abaalmarinta Hay’adda ugu adeeg-bixinta fiican ee Hay’adaha Adeegga Dadweynaha 2026; taas oo lagu tartansiiyay dhammaan Hay’adaha Dowladda ee u adeega dadweynaha.

Abaalmarinta Hay’adda ugu tayada fiican ee u adeega dadweynaha ayaa waxa munaasabadda ku guddoomay Mareeye Ku-xigeenka NIRA, Mudane Cabdiraxmaan Siciid Axmed.

Guushan waxay NIRA u tahay sharaf iyo aqoonsi muujinaya dadaalka joogtada ah ee Hay’addu ku bixiso bixinta adeeg aqoonsi qaran oo tayo leh, hufan, la isku halleyn karo, isla markaana loo siman yahay.

NIRA waxay sidoo kale Soomaaliya ku matali doontaa Abaalmarinta Tayada Gobolka ee Bulshada Bariga Afrika (EAC), oo lagu qabanayo magaalada Kigali, Rwanda.

Hoggaanka NIRA wuxuu u mahadcelinayaa dhammaan shaqaalaha Hay’adda oo dadaal iyo kaalin muuqata ka qaatay horumarinta tayada adeegyada aqoonsiga qaranka.

Abaalmarintani waxay NIRA u tahay dhiirrigelin ay ku sii xoojiso tayada adeegyada, kor ugu qaaddo kalsoonida shacabka, isla markaana Soomaaliya ugu matasho heer gobol iyo heer caalami.

NIRA waxay sidoo kale si gaar ah ugu mahadcelinaysaa Hay’adda Tayo-dhowrka Qaranka (SOBS) aqoonsigan qiimaha leh.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version