Warsow, Poland – Dowladaha Britain iyo Poland ayaa caasimadda Warsow ee dalka Poland ku saxiixay heshiis loogu magic daray “Warsow Plan” kaas oo labada dal ay si wadajir ah uga wada shaqeenayaan amniga badda, circa, dhulka, internet ka iyo warshadaha si ay uga hortagaan khatar kaga imaan karta Russhka.
Xoghayaha difaaca boqortooyada Ingiriiska Wes Steering oo booqasho rasmi ah ku tagay caasimadda Warsow ee Poland ayaa kula kulmay dhigiisa dalkaas Wladyslaw Kosiniak Kamysz iyagoo wada saxiixay qorshaha cusub ee iskaashiga dfaaca labada sida warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay wasaaradda difaaca Ingiriiska.
Xoghayaha difaaca Ingiriiska Steering oo bayaaminaya xiriirka dhow ee labada dal ayaa xusay in heshiiska cusub uu sharfayo iskaashiga labada dal uuna qaabeynayo sidii ay si wadajir ah uga wada shaqeyn lahaayeen dhismaha Yurub xooggan gudaha NATO.
Sida ku cad bayaanka, heshiiska ayaa qeexaya wejiga koowaad ee iskaashiga difaaca ee hoos yimaada Heshiiska Iskaashiga Amniga iyo Difaaca cusub ee UK iyo Poland isagoo muujinaya UK oo xoojinaysa amniga Yurub si ay u dhisto Yurub xooggan oo ku jirta NATO xooggan.
Boqortooyada Ingriiska iyo Poland ayaa sidoo kale si wadajir ah uga shaqeyn doona inay sii xoojiyaan iskaashiga ka dhexeeya warshadahooda difaaca, iyagoo si dhow isaga kaashanaya dhanka qorsheynta iyo helitaanka qalabka difaaca, sida lagu sheegay bayaanka ay soo saartay wasaaradda difaaca Ingiriiska.

