Jowhar, Soomaaliya – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehlinayaan ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlmaanka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa ka qeybgalay munaasabad lagu caleema saarayay hogaamiyaha dib loo doortay ee Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iyo ku xigeenkiisa Cabdifataax Xasan Afrax.
Madaxweynaha oo Jowhar gaaray duhurnimadii maanta ayaa xariga ka jaray terminalka garoonka diyaaradaha magaaladda Jowhar kaas oo si casri ah loo dhisay.
Caleemasaarka Hogaanka Hirshabeelle ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalay hogaamiyayaasha Galmudug, Waqooyi Bari, Koonfurgalbeed iyo gudoomiyaha Gobolka Banaadir.
Hogaamiye Ku xigeenka Hirshabeelle Cabdifataax Xasan Afrax ayaa isagu galinkii dambe ee Jimcaha gaaray magaaladda Baladweyne ee caasimadda gobolka Hiiraan isagoo munaasabadda caleemasaarka ee maanta qabsoontay kaga qeybgalay hab fogaan arag ah, gaaritaanka uu Cabdifataax Afrax gaaray Baladweyne ayaa timid saacado kadib markii magaaladda dhanka Feer Feer uu kasoo galay agaasimihii hore ee hay’adda Nabadsugida qaranka Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo isagu diidan nidaamka dowladnimo Hirshabeelle.
Iyadoo maalmihii lasoo dhaafay magaaladda Baladweyne laga dareemayay kacsanaan siyaasadeed oo kadhan ah Hirshabeelle madaxweynaha Soomaaliya ayaa munaasabadda caleemasaarka ka sheegay in reer Hiiraan lasiiyay caasimadda Hirshabeelle waxa uuna yiri, “Caasimaddu waa meel maamulka iyo madaxda ugu sareysa degto, maamulka iyo madaxduna meeshii heshiis lagu yahay la isla aqbalo, nabadeeda la sugo amnigeeda la xaqiijiyo ayey dagi kartaa, walaalaha reer Hiiraan caasimadii waa la idin siiyay waxaa la idin karabaa meel la dago, lagu nagaado, lagu shaqeeyo, qofku lahaanshiyo ku dareemo, amni iyo sugnaan uu Hirshabeelle ugu shaqeeyo uu dareemo waxa idiin yaalo waa taas.”
Madaxweynaha ayaa intaas ku daray, “Go’aanka dowladda iyo maamulka Hirshabeelle ayaa iskaleh go’aanka kama dambeysta ah ayagaa soo marayo ileen dastuurkooda caasimaddu ku taalaa, hanaan lagaliyo dastuurkii la saxo, la isla ogolaado, laga wadahadlo, damaanado amni la helo.”
Hadalka madaxweynaha ayaa ku soo beegmaya xilli ugaaska beesha Bariga magaaladda Baladweyne degan uu sheegay in duulaan ay kusoo yihiin reer magac dowladeed sheegto dhar dowladeed wato, ayna ilaashadaan mansabkooda, gobolkooda, jiritaankooda, magacooda una diyaar garoobaan una istaagaan inay difaacdaan dalkooda iyo dadkooda.
