Accra, Ghana – Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa magaalada Accra kaga qaybgalay kalfadhiga aan caadiga ahayn ee Golaha Fulinta Midowga Afrika, kaas oo looga hadlay midnimada Afrika iyo sidii loo heli lahaa maalgelin waarta oo lagu taageero howlaha ururka.
Cali Balcad ayaa khudbaddiisa ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in Midowga Afrika yeesho nidaam dhaqaale oo isku filan, isla markaana la xoojiyo Sanduuqa Nabadda ee Midowga Afrika, si loo helo ilo dhaqaale oo joogto ah oo lagu daboolo baahiyaha nabadda iyo amniga qaaradda.

Wasiiru Dowlaha ayaa sidoo kale ku baaqay hirgelinta Go’aankii Kigali ee ahaa canshuurta 0.2% ee laga qaado badeecadaha qaaradda dibadda looga soo dejiyo, taas oo qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo isku-filnaanshaha dhaqaale ee Midowga Afrika.
Dhanka kale, Cali Balcad ayaa taageeray dib-u-habaynta lagu mideynayo waajibaadka iyo shaqooyinka Guddiga Midowga Afrika, wuxuuna uga mahadceliyay dalalka xubnaha ka ah ururka taageerada ay howlgalka AUSSOM ku siiyeen Sanduuqa Nabadda. Waxa uu sidoo kale soo dhaweeyay iskaashiga lala yeelanayo hay’adaha maaliyadeed ee Afrika.
Ugu dambeyn, Wasiiru Dowlaha ayaa carrabka ku adkeeyay in Afrika ay door hoggaamineed ka qaadato xal u helidda caqabadaha qaaradda, isaga oo ku baaqay in la xoojiyo midnimada, iskaashiga iyo isku-filnaanshaha dhaqaale si loo xaqiijiyo horumar waara.

