Mogadisho, Somalia – Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa meesha ka saaray wararka sheegaya in kooxaha argagixisadu ay la wareegi karaan maamulka dalka, isagoo hadalladaas ku tilmaamay kuwo meel ka dhac ku ah garaadka shacabka Soomaaliyeed.
Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegay dood cilmiyeed Khamiistii lagu qabtay magaalada Muqdisho, taas oo uu soo qabanqaabiyay Machadka Sare ee Amniga iyo Daraasaadka Istiraatiijiga ah (HISS). Waxa uu sheegay in sheegashooyinkaasi ay dhayalsanayaan awoodda iyo kartida hay’adaha dowladda Soomaaliya.
Doodda ayaa looga hadlay caqabadaha hortaagan dhismaha dowladnimada Soomaaliya, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray maamulka, amniga iyo kalsoonida shacabka ay ku qabaan hay’adaha dowladda.
Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa sheegay in hadallada sheegaya in shacabka iyo dowladda ay dalka ka carari doonaan, kadibna kooxaha hubeysan ay la wareegi doonaan, aysan tixgelinayn awoodda iyo garaadka shacabka Soomaaliyeed.
Hadalkan ayaa imaanaya xilli dalalka ciidamadoodu qaybta ka yihiin howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ay bilaabeen ka bixitaanka ciidamadooda, iyadoo dowladda Soomaaliya ay ku dadaalayso inay si weyn ula wareegto mas’uuliyadda amniga gudaha dalka.

