Home DIBADDA Jordan Oo Dil Ku Xukuntay Saddex Nin Oo Ay Ku Eeddeysay Weerar...

Jordan Oo Dil Ku Xukuntay Saddex Nin Oo Ay Ku Eeddeysay Weerar Dhimasho Dhaliyay Oo Lagu Qaaday Kaniisad

0

Amman, Jordan – Maxkamad ku taal Urdun ayaa saddex nin ku xukuntay dil toogasho ah ka dib markii ay fuliyeen weerar hubaysan oo bishii hore ka dhacay kaniisad ku taal koonfurta boqortooyada.

Rag hubaysan ayaa dilay sagaal qof iyagoo dhaawacay 25 kale, iyagoo ku duulay aas ka dhacay kaniisad Giriig ah oo Orthodox ah oo ku taal tuulada Hammoud, oo ku taal gobolka Karak 23 ka October.

Masuuliyiinta Maxakamadda ayaa sheegay in saddex nin oo labo walaalo tahay kuwaa oo kasoo jeeda Urdun iyo qaraabadooda ay ka baxsadeen weerarka kadib, waxaana la xiray saddex maalmood kadib.

Bayaan ay soo saareen Axada maanta ah, millatariga Urdun waxay ku sheegeen “Maxkamadda Ammaanka ee Dawladdu waxay soo saartay xukunkeedii dilka ahaa ee saddexda dembiilayaal ee fuliyay weerarka argagixisada” ee kaniisadda.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version