Mogadisho, Somalia – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u furaya Shirweynaha Saddexaad ee Qaran ee Kormeerka iyo Qiimeynta, kaas oo 16-ka ilaa 17-ka Nofeembar 2026 ka dhacaya magaalada Muqdisho.
Shirweynahan ayaa diiradda lagu saari doonaa doorka xogta iyo natiijooyinka qiimeynta ee la xiriira la socodka hirgelinta qorshayaasha dowladda iyo cabbirka waxqabadka hay’adaha kala duwan ee dalka.
Ka qaybgalayaasha ayaa sidoo kale ka doodi doona sidii xogta laga helo kormeerka iyo qiimeynta loogu adeegsan lahaa hagaajinta barnaamijyada dowladda, si loo xaqiijiyo in mashaariicda iyo qorshayaasha qaranku ay gaaraan natiijooyinkii laga lahaa.
Qodobada ugu waaweyn ee shirka lagu falanqeyn doono waxaa ka mid ah hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee 2025–2029, iyadoo la eegayo hababka lagu cabbiri karo horumarka laga gaaray yoolalka qorshaha iyo sidii loo xoojin lahaa isla-xisaabtanka hay’adaha dowladda.
Shirweynahan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo nidaamka kormeerka iyo qiimeynta ee dalka, si go’aannada dowladda loogu saleeyo xog iyo natiijooyin la xaqiijiyey, loona wanaajiyo hufnaanta iyo waxqabadka adeegyada dowladda.

