Mogadishu, Somalia – Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa sheegtay in lix diyaaradood oo dagaal oo nooca F-16 ah, kuwaas oo Soomaaliya loo geeyay, ay dhammaystireen duulimaad dheer oo ay ugu gudbeen dalka Turkiga si loogu sameeyo dayactir qorshaysan.
Wasaaraddu waxay sheegtay in duuliyeyaasha diyaaradaha oo ka tirsan Guutada 161-aad ee Ciidamada Cirka Turkiga, kana howlgala Ciidanka Turkiga ee Soomaaliya, ay duulimaadka ku dhammaystireen 55 saacadood oo loo kala qaaday laba safar. Diyaaraduhu waxay u kala duuleen Muqdisho iyo Bandırma, iyagoo maray masaafo dhan 11,038 kiiloomitir, mana jirin meel ay ku hakadeen intii ay safarka ku jireen.
Howlgalkan ayaa waxaa qayb ka ahaa shidaal ku shubis hawada ah, taas oo suuragelisay in diyaaradaha dagaalku ay safarkooda dheer ku dhammaystiraan iyaga oo aan dhulka ku degin. Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa hawlgalkan ku tilmaantay mid muujinaya awoodda milatari ee dalkaas iyo kartida uu u leeyahay inuu ciidamadiisa iyo diyaaradaha dagaalka geeyo masaafooyin fog.
Turkiga ayaa ugu yaraan saddex diyaaradood oo F-16 ah geeyay Muqdisho bishii Janaayo 2026, taas oo qayb ka ahayd ballaarinta joogitaankiisa milatari ee Geeska Afrika. Joogitaanka diyaaradaha ayaa si rasmi ah loo xaqiijiyay bishii Abriil, xilli ay dul mareen munaasabad lagu xusayay sannad-guuradii 66-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Joogitaanka diyaaradaha ayaa qayb ka ah iskaashiga difaac iyo amni ee Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo ku saleysan heshiis iskaashi oo muddo 10 sano ah oo la saxiixay Febraayo 2024. Heshiiska ayaa dhigaya tababar ciidan, taageero qalab iyo iskaashi dhinaca amniga badda ah. Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ma aysan sheegin in diyaaradaha ay Soomaaliya dib ugu soo laaban doonaan marka dayactirka loo sameeyo.
