Friday, November 20, 2026

Hogaamiyaha Koonfur Galbeed Oo Dib Ugu Laabtay Baydhabo

Share

Baydhabo, Soomaaliya – Hogaamiyaha Koonfur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa dib ugu laabtay magaaladda Baydhabo ee caasimadda ku meel gaarka Koonfurgalbeed kadib safaro shaqo oo uu ku joogay magaaladda Muqdisho, caasimadda Koonfurgalbeed ee Baraawe, Dhuusamareeb iyo Jowhar oo uu kaga qeyb galayay caleema saarka hogaanka cusub ee maamaulada Galmudug iyo Hirshabeelle.

Dib ugu noqoshada Aadan Madoobe ee Baydhabo ayaa imaanyesa kagadaal maalmo uu ku sugnaa caasimadda Koonfurgalbeed ee Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose halkaas oo ah magaaladii ugu horeysay ee uu tagay tan iyo intii uu noqday hogaamiyaha Koonfur Galbeed bishii June ee sanadkan.

Read more

Local News