Thursday, November 19, 2026

Soomaaliya iyo Midowga Afrika oo ka shiray qorshaha kala-guurka amniga dalka

Share

Muqdisho, Somalia, – Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, ahna ku-simaha Madaxa AUSSOM, Danjire Mouktar Osman Karie, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shir wadajir ah oo looga hadlayay qorsheynta howlgalada amniga iyo diyaarinta qorshaha isku-dhafan ee kala-guurka amniga Soomaaliya.

Sidoo kale, shirkan oo ay siwada jir ah usoo qaban qaabiyeen dowladda federaalka Soomaaliya iyo midowga Africa, ayaa waxaa ka qeybgalay wakiillo ka socda dalalka ciidamada milatariga iyo booliska ku leeyihiin Soomaaliya, Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Midowga Afrika iyo Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS).

Dhanka kale, ujeedada kulanka ayaa ahayd in la isku waafajiyo qorshayaasha amniga, lagana wada shaqeeyo hagidda habka tartiib-tartiibka ah ee mas’uuliyadaha amniga loogu wareejinayo Ciidamada Ammaanka Soomaaliyeed, iyadoo la diyaarinayo qorshe isku-dhafan oo lagu maareynayo kala-guurka amniga.

Dhinacyada ka qeybgalay shirka ayaa carrabka ku adkeeyay mas’uuliyadda ka saaran hirgelinta qorshaha kala-guurka, si loo xaqiijiyo sii socoshada howlgalada amniga iyo ilaalinta guulaha laga gaaray xasillinta dalka.

Waxay sidoo kale muujiyeen muhiimadda ay leedahay in si wadajir ah loo qorsheeyo howlaha amniga, si wareejinta mas’uuliyadda ciidamada shisheeye ee ku sugan Soomaaliya loogu sameeyo hannaan aan dhaawaceyn amniga iyo xasilloonida dalka.

Wufuudda ka qeybgalay shirka waxaa ka mid ahaa wakiillo ka socday Burundi, Jabuuti, Masar, Itoobiya, Ghana, Kenya, Nigeria, Sierra Leone iyo Uganda, kuwaas oo qeyb ka ah dalalka ciidamada ku taageera howlgalka AUSSOM.

Shirkan ayaa kusoo aadaya xilli Soomaaliya iyo saaxiibbada caalamiga ah ay ka shaqeynayaan qorshaha kala-guurka amniga, iyadoo hadafku yahay in Ciidamada Ammaanka Soomaaliyeed ay si tartiib-tartiib ah ula wareegaan mas’uuliyadda amniga dalka, isla markaana la ilaaliyo guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Read more

Local News