Oslo, Norway – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Somalia, Cabdisalaan Cali, ayaa magaalada Oslo ee dalka Norway kula kulmay dhiggiisa dalkaas, Espen Barth Eide, intii uu socday shirka Wasiirrada Nordic iyo Afrika.
Kulanka labada wasiir ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Somalia iyo Norway, iyo sidii loo ballaarin lahaa iskaashiga labada dal ee dhinacyada kala duwan.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay arrimaha ay wadaagaan danaha labada dal, iyaga oo muujiyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta wada shaqaynta iyo xiriirka labada dowladood.
Wasiirradu waxay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda iskaashi ku dhisan danaha wadajirka ah, is-afgaradka iyo xiriir diblomaasiyadeed oo sii xoogaysta.
Dowladda Somalia ayaa mar kale xaqiijisay sida ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga caalamiga ah ee taageeraya mudnaanta qaranka, nabadda iyo xasilloonida gobolka, iyo dadaallada lagu horumarinayo dalka.

