Thursday, November 19, 2026

Axmed Madoobe oo sheegay in dalku maraayo xaalad kala guur ah

Share

Kismayo – Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa si adag uga hadlay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya isaga iyo Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo sheegay inaan lagu kalsoonaan karin hoggaanka Muqdisho, isla markaana dalka uu wajahayo xaalad halis ah oo horseedi karta burbur iyo kala-tag.

Sidoo kale, Axmed Madoobe ayaa sheegay in magaalada Muqdisho aysan ahayn meel ay siyaasiyiinta Soomaaliyeed talo iyo heshiis ugu tagi karaan, isaga oo ku dooday in kalsoonidii siyaasadeed ay meesha ka baxday.

“Xamar talo la isuguma tagi karo, mana la isku aamini karo. Wadanku god ayuu ku sii dhacayaa, badbaadin ayaa loo baahan yahay. Waddanku wuxuu ku socdaa inuu burburo iyo inuu kala tago,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Dhanka kale, Axmed Madoobe ayaa sheegay in siyaasadda ay waddo dowladda Federaalka aysan suuragelineyn in Soomaalidu isugu timaaddo, isaga oo meesha ka saaray in Muqdisho lagu gaari karo heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay.

madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa ka hadlay khilaafka cusub ee ka dhex qarxay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, kaas oo billowday kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu dowladda Imaaraadka ku eedeeyay faragelin muddo dheer ay ku haysay arrimaha gudaha Soomaaliya.

Hadalka Axmed Madoobe ayaa kusoo aadaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Soomaaliya iyo hoggaamiyeyaasha maamullada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, kuwaas oo si kala duwan uga falceliyay mowqifka Xasan Sheekh ee Imaaraadka.

Sikastaba, mowqifka uu Axmed Madoobe saaka muujiyay ayaa mar kale iftiiminaya heerka uu gaaray khilaafka siyaasadeed ee dalka, iyadoo weli aan la helin hannaan ay dhinacyada isku haya siyaasadda Soomaaliya ku gaaraan heshiis ku saabsan xaaladda dalka, doorashooyinka iyo mustaqbalka dowladnimada.

Read more

Local News