Abu Dhabi, UAE – La-taliyaha madaxweynaha Imaaraadka Carabta u qaabilsan arrimaha diblomaasiyadda, Anwar Gargash, ayaa dhaliilay hadallada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo ku eedeeyay inuu danihiisa siyaasadeed ka hormarinayo danaha qaranka.
Gargash ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in hadalladii ugu dambeeyay ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu ku dhaliilay Abu Dhabi ay ka tarjumayaan isbeddelka mowqifyadiisa siyaasadeed iyo loollanka awoodda ee ka jira Muqdisho.
Gargash ayaa sidoo kale sheegay in Imaaraadku uu Somalia iyo shacabkeeda garab taagnaa xilliyadii ugu adkaa, isaga oo muujiyay sida uu uga xun yahay in khilaafaadka siyaasadeed ee gudaha dalka ay Somalia ku jiidayaan loollan iyo muranno ka dhex jira dalalka gobolka.
Wuxuu intaas ku daray in xiriirka Imaaraadka iyo shacabka Soomaaliyeed uu ka weyn yahay khilaafaadka siyaasadeed ee ku-meelgaarka ah iyo danaha shaqsiyeed ee siyaasiyiinta.
Hadalkan ayaa yimid kaddib markii Xasan Sheekh Maxamuud uu khudbad uu shacabka u jeediyay ku eedeeyay Imaaraadka inuu faragelin ku hayo arrimaha gudaha Somalia, isla markaana uu wiiqayo midnimada iyo madax-bannaanida dalka.

