Mogadishu, Somalia – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xarunta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Taliyaha Guud ee Ciidanka Milatariga Jamhuuriyadda Türkiye, Jeneraal Selçuk Bayraktaroğlu, oo booqasho ku jooga Soomaaliya.
Kulanka labada mas’uul ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka istaraatiijiyadeed ee muddada dheer ka dhexeeya Soomaaliya iyo Türkiye, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen sidii loo sii horumarin lahaa iskaashiga labada dal.

Arrimaha ugu waaweyn ee kulanka lagu soo qaaday waxaa ka mid ahaa iskaashiga dhinacyada difaaca iyo amniga, iyo taageerada ay Türkiye siiso Soomaaliya ee ku aaddan horumarinta awoodda ciidamada qalabka sida.
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Jeneraal Selçuk Bayraktaroğlu ayaa sidoo kale ka wada hadlay dardargelinta dadaallada wadajirka ah ee lagula dagaallamayo argagixisada caalamiga ah iyo xoojinta amniga gobolka.
Kulankan ayaa muujinaya sii socoshada xiriirka iskaashi ee Soomaaliya iyo Türkiye, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo difaaca, kuwaas oo ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan ee xiriirka labada dal.