Wednesday, November 25, 2026

UK Oo Soomaaliya Ugu Baaqday Wadahadal Siyaasadeed Oo Loo Dhan Yahay

Share

Mogadishu, Somalia – Dowladda Britain ayaa ku celisay baaqeeda ku aaddan in Soomaaliya laga sameeyo wadahadal siyaasadeed oo loo dhan yahay, si xal looga gaaro khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka, kaas oo weli caqabad ku ah xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Baaqan ayaa yimid kadib kulan ka dhacay Madaxtooyada Villa Soomaaliya oo dhexmaray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ka socday dowladda Britain, oo uu hoggaaminaysay Charlotte Pierre, Agaasimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Britain, waxaana qeyb ka ahaa safiirka Britain ee Soomaaliya, Charles King. Kulanka ayaa looga hadlay xaaladaha siyaasadeed iyo amni ee dalka.

Safaaradda Britain ee Muqdisho ayaa sheegtay in wadahadallada diiradda lagu saaray muhiimadda ay leedahay in dhinacyada Soomaalidu yeeshaan wada-hadal siyaasadeed oo loo dhan yahay, dardargelinta qorshaha kala-guurka amniga iyo wax ka qabashada baahiyaha bani’aadannimo. Britain ayaa sidoo kale ku boorrisay Soomaalida inay door weyn ka qaataan sugidda amniga dalkooda.

Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli dadaallo diblomaasiyadeed oo ay horey u sameeyeen Mareykanka, Midowga Yurub, Turkiga iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah aysan weli ku guuleysan inay heshiis siyaasadeed dhex dhigaan dowladda federaalka iyo mucaaradka, gaar ahaan khilaafka la xiriira hannaanka doorashooyinka dalka.

Dhanka kale, booqashada wafdiga Britain ayaa timid maalin kadib markii Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre uu hadallo ka sheegay doorka beesha caalamka ee Soomaaliya, isagoo sheegay in la xiray xafiiska Qaramada Midoobay, isla markaana la kala diray madasha C6+. Hadalladaas ayaa kusoo beegmaya xilli saaxiibada caalamiga ah ay dadaal ugu jiraan dib u soo nooleynta wada-hadallada siyaasadeed ee Soomaaliya.

Read more

Local News