Mogadishu, Somalia – Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, S/Guuto Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, ayaa si rasmi ah u daahfuray nidaam casri ah oo lagu diiwaangelinayo laguna maareynayo shirkadaha bixiya adeegyada amniga gaarka ah.
Nidaamkan cusub ayaa loogu talagalay in lagu hagaajiyo habka ay u shaqeeyaan shirkadaha amniga gaarka ah iyo shaqaalaha ilaallada, iyadoo la dejinayo hannaan mideysan oo lagu maareeyo howlaha shirkadahaas.

Barnaamijku wuxuu ku saleysan yahay saddex tiir oo muhiim ah, kuwaas oo kala ah diiwaangelinta iyo maareynta shirkadaha amniga gaarka ah, tababarka iyo tayeynta shaqaalaha ilaallada, iyo kor u qaadista xirfadda iyo tayada adeegyada ay bixiyaan.
Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa sheegtay in nidaamkan uu qayb ka yahay dadaallada lagu casriyeynayo maamulka shirkadaha amniga gaarka ah, laguna horumarinayo habka ay u bixiyaan adeegyada amniga.
Sidoo kale, nidaamka ayaa la filayaa inuu xoojiyo diiwaangelinta, kormeerka iyo isla-xisaabtanka shirkadahaas, si loo helo adeegyo amni oo leh tayo iyo hab-maamul wanaagsan.