Kampala, Uganda – Madaxweynaha JFS Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Uganda Yoweri Museveni ayaa ku baaqay in la dardargeliyo howlgallada milatari ee ka dhanka ah Al-Shabaab, isla markaana la helo dhaqaale joogto ah oo lagu taageero howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM. Labada Madaxweyne ayaa arrintan kaga hadlay kulan ay Isniintii ku yeesheen xarunta madaxtooyada Uganda ee Entebbe, iyagoo sidoo kale ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo xaaladda amni ee Soomaaliya.
War-murtiyeed wadajir ah oo kulanka kaddib la soo saaray ayaa lagu sheegay in labada hoggaamiye ay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in la helo ilo dhaqaale oo dheeraad ah oo lagu taageero iskaashiga amniga iyo dhaqaalaha ee Soomaaliya iyo Uganda, gaar ahaan dadaallada milatari ee wadajirka ah ee labada dal.

Booqashada shaqo ee hal maalin ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tegay Uganda ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal, iskaashiga dagaalka Al-Shabaab iyo sidii wax looga qaban lahaa khilaafaadka siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo wax-ka-beddelka dastuurka.
Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale adkeeyay baahida loo qabo ilaalinta nabadda, amniga iyo xasilloonida Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika, iyagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo guulaha amni ee laga gaaray tan iyo markii Midowga Afrika uu Soomaaliya ka bilaabay howlgal nabad ilaalin sanadkii 2007.
Uganda ayaa ka mid ahayd dalalkii ugu horreeyay ee ciidamo u soo dira Soomaaliya, iyadoo muddo dheer door muhiim ah ku lahayd howlgalka Midowga Afrika, kana mid ahayd dalalka ugu badan ee ciidamadooda ku biiriya. Ciidamada Uganda ayaa qeyb ka ahaa howlgalladii AMISOM iyo ATMIS, waxayna weli qeyb ka yihiin howlgalka hadda socda ee AUSSOM.

