Istanbul, Turkey – Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali, ayaa ka qaybgalay kulan caalami ah oo looga hadlayo talo-wadaagga goleyaasha fatwada Islaamka, kaas oo maanta ka furmay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga. Kulanka waxaa isugu yimid wasiirro arrimaha diinta qaabilsan, madaxda hay’adaha diinta, muftiyo iyo culimo caan ka ah dunida Islaamka.
Kulankan oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Diyanet ee dalka Turkiga ayaa waxaa ka qaybgalaya in ka badan 100 marti-sharaf oo ka kala socda in ka badan 50 dal. Furitaanka shirka waxaa ka qaybgalay Madaxweynaha Hay’adda Diyanet, Prof. Dr. Safi Arpaguş, iyadoo hal-ku-dhigga kulanku yahay Midnimada Umadda Islaamka iyo Goleyaasha Fatwada ee Ka Jawaabaya Caqabadaha Caalamiga ah.

Ajendayaasha shirka waxaa ka mid ah mideynta aragtida culimada iyo xoojinta walaaltinimada umadda Islaamka, ka jawaabista su’aalaha cusub ee ka dhasha tiknoolajiyadda iyo sirdoonka macmalka ah (AI), iyo la dagaallanka xogaha diineed ee khaldan iyo fatwooyinka aan ku dhisnayn cilmi iyo aqoon sugan. Madaxweynaha Diyanet ayaa khudbaddiisa furitaanka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in culimada Muslimiintu yeeshaan mowqif mideysan iyo hannaan wada-tashi oo lagula tacaalo caqabadaha cusub.
Intii uu ku sugnaa Istanbul, Wasiir Mukhtaar Roobow ayaa kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynaha Hay’adda Diyanet, Prof. Dr. Safi Arpaguş, iyagoo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dhinac, gaar ahaan dhismaha iyo tayeynta Sanduuqa Zakada iyo nidaamka Waqafka Soomaaliya.
Ka-qaybgalka Soomaaliya ee kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka ay la leedahay hay’adaha diinta ee caalamka, iyo sidii ay door uga qaadan lahayd wada-tashiyada ku saabsan fatwada, waxbarashada diinta iyo horumarinta hay’adaha Islaamiga ah. Kulanka ayaa sidoo kale fursad u ah in Soomaaliya ay ka qeyb noqoto dadaallada lagu mideynayo aragtida goleyaasha fatwada ee dunida Islaamka.

