Muqdisho, Soomaaliya – Hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha dowlada federaalka Soomaaliya ayaa qoraal ay kubaahisay barta Facebook kaga hadashay warar kusaabsanaa in Hogaamiyaha gooni ugoosatada Yemen uu isticmaalay hawada Soomaaliya.
Warar internet ka lagu faafiyay ayaa sheegaya in hogaamiyaha gooni ugoosatada Yemen uu doon kaga soo baxsaday magaalada Cadan ee dalka Yemen, uuna soo gaaray magaala xeebeedka Berbera halkaasoo diyaarad uu kasoo raacay ay sii marsiisay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ilaa uu ka gaaray magaalada Dubai Imaaraatka Carabta.
Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa sheegtay in iyadoo lakaashanaysa hay’adaha kala duwan ee shaqada kuleh ay bilowday baaritaan degdeg ah oo ku aadan hubinta warbixinada kusaabsan isticmaalka sharci darada ah ee hawada Soomaaliya.
Hay’adda ayaa tibaaxday in hadii ay xaqiiqo noqoto ay thay xadgudub kadhan ah madaxbanaanida Soomaaliya iyo xeerarka socdaalka,
Fududeynta baxsadyaasha ama fulinta hawlgallo hal dhinac ah oo lagu sameeyo dhulka Soomaaliya iyada oo aan sharci loo haysan waa wax aan la aqbali karin.
Ixtiraamka madaxbannaanida iyo u hoggaansanaanta shuruucda qaranka iyo kuwa caalamiga ah waa mabaa’di’ aan laga tanaasuli karin.
Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay si cad oo joogto ah u taageertay baaqa Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee ku aaddan in wada hadal lagu qabto Magaalada Riyadh, kaas oo ah geeddi socodka siyaasadeed ee ku habboon wax ka qabashada xaaladda Yemen.
Isku day kasta oo uu Aidarous Al Zoubaidi ku doonayo inuu uga baxsado geeddi socodkan, oo ay ku jirto taageero dibadeed, wuxuu si toos ah uga hor imaanayaa dadaalada diblomaasiyadeed ee socda.
Haddii baaritaanku caddeeyo warbixinadan, Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay xuseysaa in falalka noocaas ahi ay sidoo kale noqonayaan jebin ku timaadda heshiisyada laba geesoodka ah ee khuseeya ku xadgudub mabaadi’da sharciga caalamiga ah ee xukuma dhaqdhaqaaqa sharciga ah ee dadka.
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale adkeyneysaa go’aankeeda adag ee ku aaddan ku dhaqanka sharciga, ixtiraamka xeerarka caalamiga ah, iyo ilaalinta madaxbannaanideeda iyo midnimadeeda dhuleed. Tallaabooyin ku habboon ayaa la qaadi doonaa iyadoo lagu saleynayo natiijooyinka baaritaanka si loo hubiyo isla xisaabtan buuxa oo ku saabsan xadgudub kasta oo la xaqiijiyo.

