Dowladda Maraykanka ayaa si rasmi ah u shaacisay inay si joogto ah u joojinayso gargaarkii ay siin jirtay Soomaaliya.
Tallaabadan ayaa timid kaddib markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ee fadhigeedu yahay Muqdisho ay amartay burburinta bakhaar ay lahayd Hay’adda Cunnada Adduunka (WFP) oo ku yaallay dekedda Muqdisho.
Burburinta bakhaarkaasi ayaa sababtay halaagga 76 tan metrik oo cunto gargaar ah oo ay bixisay dowladda Maraykanka, iyadoo aan wax wada-tashi ah lala yeelan dalalka deeq-bixiyeyaasha.
Sida uu sheegay warbaahinta The Post Millennial, mas’uuliyiinta Maraykanka ayaa sheegay in tallaabadan, oo uu ansixiyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ay tahay jebin xeerarka diblomaasiyadeed ee Qaramada Midoobay.
Warbixintu waxay intaas ku dartay in Wasiirka Dekedaha Soomaaliya uu Decembar soo saaray amar ka saarid ah oo ka dhan ah WFP, inkastoo dowladda Soomaaliya markii dambe sheegtay in bakhaarka la sii isticmaali karo inta go’aan kama dambeys ah laga gaarayo.
Maareeyaha dekedda ayaa sheegay in cuntadu ay weli ahayd mid la heli karo, balse WFP ayaa arrintaas diidday, iyadoo sheegtay in cuntadaasi ay u baahnayd xaalado kaydin gaar ah, ayna suuragal tahay inay halaabtay
Maraykanka ayaa sheegay in go’aankan uu ku qasbay hakinta gargaarka, isla markaana la filayo in dhammaan gargaarka Maraykanka ee Soomaaliya uu dhammaado bisha May, haddii aysan Soomaaliya magdhaw ka bixin deeq-bixiyeyaasha.

