Baarlamaanka Carabta ayaa ku dhawaaqay inuu qaadi doono tallaabooyin siyaasadeed oo heer gobol iyo caalami ah si loo taageero amniga, xasilloonida iyo madax-bannaanida Soomaaliya iyo Yemen.
Waxa uu si cad u diiday faragelin kasta oo shisheeye oo lagu sameeyo arrimaha gudaha labada dal.
Go’aankan ayaa lagu shaaciyay kulan ka dhacay Qaahira, xilli la furayay kalfadhiga Baarlamaanka Carabta.
Baarlamaanka Carabta ayaa ugu baaqay dalalka Carabta inay muujiyaan garab-istaag buuxa, isla markaana ay qaadaan tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu ilaalinayo midnimada iyo madax-bannaanida labada dal.
Bayaankan ayaa kusoo aadaya xilli ay sii xoogaysanayaan dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu taageerayo Soomaaliya, kaddib aqoonsiga Israel ee Somaliland.

