Thursday, August 27, 2026

Dowladda Soomaaliya Oo Kahadashay Wararka Kusaabsan diyaarada Israa’iil leedahay Ee Loo Diiday Hawadeeda

Share

Muqdisho, Soomaaliya – Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa war qoraal ah kasoo saartay warar dhawaanahan soo baxay oo kusaabsan shirkada diyaaradeed ee Arkia ee laga leeyahay Isra’il iyo isticmaalkeeda hawada Soomaaliya sida uu Arlaadi media lawadaagay agaasimaha Waaxda Warfaafinta iyo Xidhiidhka Dadwaynaha ee wasaarada gaadiidka iyo duulista.

Dhawaan ayaa waxaa soo baxay warar kusaabsan in dowlada Soomaaliya ay joojisay isticmaalka diyaarada Arkia ee hawada Soomaaliya, Diyaarada Arkia ayaa si joogto ah u istimaasha hawada Soomaaliya marka ay sameyneyso duulimaad toos ah oo kabilaabanaya Tel Aviv Isra’il ilaa Bangkok Thailand.

Wasaarada ayaa kahadashay maamulka hawada Soomaaliya iyo cida awooda uleh go’aan kagaarida isticmaalka hawada Soomaaliya.

“Hawada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa si buuxda u maamula, mas’uulna ka ah Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada iyada oo loo marayo Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed SCAA Ma jirto cid kale oo awood u leh inay go’aanno ka gaadho isticmaalka hawadeena”.

Wasaarada Ayaa Beenisay in shirkada duulimaad ee Arkia laga hor istaagay codsi cusbooneysiin ah oo ay kaga dalbanayso isticmaalka hawada Soomaaliya iyo inay dowlada Soomaaliya kajoojisay isticmaalka hawadeeda.

“Wararka sheegaya in shirkadda Arkia oo laga leeyahay Israa’iil laga hor istaagay ama laga gaabiyey codsi cusboonaysiin waa kuwo aan sal iyo raad toona lahayn. Dowlada Federaalka Soomaaliya ma jirto shirkad ay si gaar ah u beegsatay ama ka mamnuucday isticmaalka hawada iyada oo aan loo marin nidaamka sharciga ah ee duulista”.

Agaasimaha warfaafinta wasaarada gaadiidka iyo duulista hawada Mohamed Abdi osman  Faradheere oo kahadlay wararka qaldan ee kadhanka ah wasaarada ayaa yidhi “Waxaan ka xunnahay in qaar ka mid ah warbaahintu ay noqdaan aalad loo isticmaalo faafinta warar khalkhal gelinaya nidaamka duulista iyo sumcadda qaranka. Waxaan ugu baaqaynaa warbaahinta inay xaqiiqda ka raadiyaan ilaha rasmiga ah ee dowladda”.

Wasaaradda ayaa  xaqiijisay in adeegga duulista hawada Soomaaliya uu u socdo si hufan, kuna salaysanyahay xeerarka caalamiga ah ee Ururka Duulista Rayidka ee ICAO, aysanna marnaba u dulqaadan doonin xad-gudub kasta oo ka dhan ah madaxbannaanida hawada Soomaaliya.

Read more

Local News