Maamullada Puntland iyo Jubbaland oo warsaxaafadeedyo soo saaray ayaa si adag uga hadlay falkii maanta lagu celiyay ciidamadii ay usoo direen magaalada Muqdisho, kuwaas oo dowladda dhexe u diiday diyaaradihii siday in ay ka dagaan garoonka Aadan Cadde.
Puntland oo marka hore cambaareysay falkan, waxayna sheegtay in khatar la galiyay saraakiil ka tirsan maamulkaas iyo ciidamo hordhac u ahaa safarka la filayo in uu caasimada Soomaaliya kusoo gaaro Madaxweyne Saciid Deni.
Sidoo kale, Puntland ayaa tilmaamtay in ujeedka ka dambeeyo go’aankan uu yahay in la fashiliyo wada-hadallada lagu wado in ay dhex-maraan Villa Soomaaliya iyo Golaha Mustaqalka oo loo qorsheeyay inay berri bilowdaan.
Dhankeeda Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada iyo wafdiga la socday ay ku wargelisay Hay’adda Duulista, balse si sharci darro ah hawada looga celiyay, iyada oo aan la hubin in diyaaraddu haysato shidaal ku filan.
Sidoo kale Jubbaland waxay sheegtay in maanta hawada laga celiyay labo diyaaradood oo kale oo shacab siday, kuwaas oo kasoo baxay garoonka Kismaayo, iyada oo xustay in tallaabooyinkan ay ka dhalan karaan halis iyo qalalaase horleh.
Si kastaba, berri oo Isniin ah ayaa loo qorsheeyay in wada-hadalladu ay bilowdaan, hadana waa soo baxaya caqabado waa wayn oo sii kala fogeyn karo dhinacyada.
Hoos Ka Akhriso Warsaxaafadeeedka ay so sareen Puntland iyo Jubanland.



