Jerusalem, Israel| Shirkada diyaarada Arkia ee laga leeyahay Isra’il ayaa qoraal ay soo saartay kaga hadashay inay kusoo noqotay ruutkeedii ay duulimaadyada kaga sameyn jirtay Ben Gurion ilaa Bangkok Thailand.
Diyaaradda Arkia ee Israa’iil ayaa ku dhawaaqday inay dib u bilowday duullimaadyadii ay ku tagi jirtay Thailand, iyadoo isticmaali jirtay khadka gaaban ee hawada Soomaaliya. Sida laga soo xigtay shirkada, ansixinta ayaa si degdeg ah u dhaqan gashay, ayna sida ugu dhaqsiyaha badan u dhaqan gelin doonto duulimaadyada soo socda.
Shirkada ayaa xustay in qaabaynta lagu guuleystay ka dib dadaallo xooggan oo ay sameeyeen dhinacyo badan, oo aysan carabaabin.
Shirkada duulimaad ee Arkia ee laga leeyahay Isra’il ayaa dabayaaqadii January sheegtay inaysan dowladda Soomaaliya kahelin cusbooneysiin, ogolaanshiyo rasmi ah oo ay ku isticmaasho hawadeeda, taa oo ku ekeyd January kuna qasbanaan doonto inay badasho ruutkeedii Bangkok Thailand.
Dowladda Soomaaliya gaar ahaan wasaarada gaadiidka iyo duulista hawada oo kahadashay wararka kusaabsan diidmada Soomaaliya ee ku aadan cusbooneysiinta ogalaanshiyaha isticmaalka hawada ayaa kutilmaantay kuwa aan sal iyo raad toona lahayn Agaasimaha warfaafinta wasaarada gaadiidka iyo duulista hawada Mohamed Abdi osman Faradheere ayaana yiri
“Wararka sheegaya in shirkadda Arkia oo laga leeyahay Israa’iil laga hor istaagay ama laga gaabiyey codsi cusboonaysiin waa kuwo aan sal iyo raad toona lahayn. Dowlada Federaalka Soomaaliya ma jirto shirkad ay si gaar ah u beegsatay ama ka mamnuucday isticmaalka hawada iyada oo aan loo marin nidaamka sharciga ah ee duulista”.
Arrimaha kugadaaman isticmaalka hawada Soomaaliya ee shirkad-diyaaradeedka Arkia ayaa yimid kagadaal markii Isra’il kudhawaaqday inay dal u’aqoonsatay maamulka Somaliland, taa oo kacareysiisay dowlada Soomaaliya.

