Thursday, August 27, 2026

Erdogan Oo Kadigay Weerarada Iran Ee Qatarta Ku’ah Xasiloonida Gobolka Iyo Caalamka

Share

Ankara, Turkey – Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Sabtidii la hadlay Ra’iisul Wasaaraha UK Keir Starmer, isagoo muujiyay walaac ku saabsan kororka dhawaanahan ka dib weerarkii Mareykanka iyo Israa’iil ay ku qaadeen Iiraan.

War saxaafadeed rasmi ah oo ay soo saartay Agaasinka Isgaarsiinta Turkiga ayaa lagu sheegay in Türkigu si dhow ula socdo geeddi socodka ka billowday weerarrada lagu qaaday Iiraan.

Madaxweynaha Turkiga ayaa kunuuxnuuxsaday  in haddii faragelintu sii dheeraato, waxyeello weyn u geysan karto xasilloonida gobolka iyo tan caalamka, wali waxaa jira tallaabooyin la qaadi karo si loo dhiso madal wadahadal, dadaalladeenna ku aaddan nabaddana way sii socdaan,” ayuu Erdogan ku nuuxnuuxsaday intii uu socday wadahadal dhanka telefoonka ah oo dhexmaray ra’iisulwasaaraha Ingiriiska Keir Stermer taleefan, sida lagu sheegay war-saxaafadeed rasmi ah oo ay soo saartay Agaasinka Isgaarsiinta Turkiga.

Stermer iyo Erdogan ayaa sidoo kale ka kahadlay xiriirka labada dhinac iyo arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee ballaaran.

Sida laga soo xigtay bayaanka, Erdogan ayaa xaqiijiyay sida xooggan ee Turkiga uga go’an tahay xoojinta iskaashiga UK ee dhammaan qaybaha, gaar ahaan warshadaha difaaca, wuxuuna sheegay in tallaabooyinku ay sii wadi doonaan horumarinta iskaashigan.

Read more

Local News