Thursday, August 27, 2026

Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Oo Kadagay Imaaraatka Carabta Xilli Shalay Uu Jabuuti Kula Kulmay Madaxda Soomaaliya Iyo Jabuuti

Share

Abu Dhabi, UAE – Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa booqasho kutagay magaalada Abu Dubai ee dalka isku taga Imaaraatka Carabta.

Ra’iisulwasaare Abiy ayaa gagida diyaaradaha kusoo dhaweeyay wasiirka cadaaladda Abdullah Sultan bin Awad Al Nuaimi, iyo Guddoomiyaha Hab maamuuska Madaxweynaha iyo Hay’adda Sheekooyinka Istaraatiijiga ah.

Booqashada Abiy ee Imaaraatka ayaa imaaneysa xilli maalinkii shalay uu magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti kula kulmay madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ismaaciil Cumar Geelle.

Socdaalka Abiy ee Dubai ayaa sidoo kale kusoo aadaya xilli dalalka Bariga Dhexe ay galeen xaalad kaduwan tii hore iyadoo badi dalalka dhaca Bariga dhexe uu kujiro Imaaraatka ay hada unugulyihiin weerarada iyo duqeymaha Iran kagadaal markii Israel iyo Mareykanka oo wadajira ay duqeymo ku ekeeyeen Iran ugu dambeynna meesha kasaareen hogaamiyihii kacaanka Islaamiga ah ee Iran Ayatollah Ali Khamenei oo inkabadan 40 sano fadhiyay kursiga ugu sareeya Iran.

Read more

Local News