Baydhabo – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Laftagareen ayaa gaaray magaaladda Baydhabo oo xarun u’ah maamulka Koonfur Galbeed.
Madaxweyne Laftagareen ayey soo laabashadiisu imaaneysa xilli uu sii xoogeystey khilaafka kala dhexeeya dowladda federaalka, iyadoo afhayeen uhadlay maamulka uu sheegay in Koonfur Galbeed joojisay xiriirkii wadashaqeyn ee ay lalaheyd dowladda Soomaaliya oo uu ku eedeeyay faragalin amni.
Imaatinka Madaxweyne Laftagareen ayaa sidoo kale kusoo aadaya iyadoo dowladda Soomaaliya hakisay duulimaad shacab oo kuwajahnaa magaalada Baydhabo.
Cabdicasiis Laftagareen ayaa kasoo laabtay safar uu ugu cumro isagoo sida wararku timaamayaan kasoo galay dhanka dowlad deegaanka Soomaalida, halkaasoo magaaladda Godey ay kasoo qaaday diyaarad qaas ah.
Sikastaba ha ahaatee mucaaradka kasoo horjeeda siyaasada madaxweyne Laftagareen ayaa doonaya in laqabto doorasho meeshana laga saaro nidaamka had aka arrimiya deegaanada maamulkaas.
Geesta kalana wasiirka amniga Koonfur Galbeed oo shir jaraa’id qabtay ayaa kahadlay xaaladihii udanbeeyay ee deegaanka iyo maamulka Koonfur Galbeed isagoo ku eedeeyay xubno katirsan golaha wasiirada oo kasoo jeeda deegaanka ay garab siiyeen Alshabaab isagoo tilmamay inay wada shaqeyn laleeyihiin ururka Alshabaab.
Xaaladda maamulka Koonfur Galbeed ayaa mudooyinkii udanbeeyay isa soo tarayay iyadoo deegaano kamid ah maamulka ay kabaxeen gacantooda isla markaanna kudhawaaqay badbaado Koonfur Galbeed.

