Muqdisho, Soomaaliya – Fadhigii Todobaadlaha ahaa ee golaha wasiirada Soomaliya maanta yeesheen kaas oo uu shir gudoominayay ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa xilkii looga qaaday taliyihii ciidanka Asluubta Soomaaliya Jenaraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan, iyadoo xilkaas loo magacaabay sareeye gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud.
Xil kaqaadista Janaraal Mahad ayaa kusoo aadeysa xilli uu khilaaf weyn soo kala dhexgalay dowlad goboleedka Koonfurgalbeed iyo dowladda federaalka Soomaaliya, kaas oo salka kuhaya doorashooyinka maamulkaas.
Taliyihii xilka laga qaaday ee Janaraal Mahad ayaa ahaa mudane katirsan baarlamaanka 11 aad kahor inta aan loo magacaabin xilkaan markiisa labaad.
Janaraal Mahad ayaa ah sodoga madaxweynaha Koonfurgalbeed Cabdicasiis Xasan Laftagareen, dowladda Soomaaliya ayaana u’aragta mid siyaasad ahaan taabacsan madaxweyne Laftagareen.
Dhanka kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya xabsi guri kadhigtay Janaraal Mahad sababo lagu sheegay inaanu kabixin magaaladda Muqdisho oo ay kusuganyihiin sidoo kale xubno xildhibaano iyo wasiiro ah oo kasoo jeeda maamulka Koonfurgalbeed xilna kahaya dowlad goboleedkaas iyo kuwa iska casilay xilalkii ay kahayeen federaalka.

